1. Sideen u iibsadaa buug?

Samee akoon cusub ama gal akoonkaaga, ka dibna dooro buugga aad rabto adiga oo gujinaya “Buy” buug kasta. Dooro soft copy (akhris online ah), geli faahfaahinta lacag-bixinta, qoraaguna wuu hubinayaa dalabkaaga. Marka la xaqiijiyo, waxaad heli doontaa akhris online ah.

2. Maxay yihiin hababka lacag-bixinta ee aad aqbashaan?

Waxaan taageernaa: EVC-PLUS, Waafi, E-Dahab, Premier wallet, T-plus, eBesa, Sahal, Zaad, Jeeb iyo habab kale. Hababka saxda ah waxay ku xiran yihiin meesha aad joogto iyo qoraaga, kaas oo si toos ah u maamula.

3. Sideen buug ugu akhriyaa online?

Marka iibsigaaga la xaqiijiyo, buugga wuxuu ka muuqanayaa “My Library” marka aad gasho akoonkaaga. Guji “Read” si aad uga akhriso talefonkaaga, kaliya waxad u baahantahay internet.

4. Maxay ku kala duwan yihiin soft copy iyo hard copy?

Soft copy: Helitaan dijitaal ah oo aad ku akhrin karto mobile-kaaga wakhti kasta, iyo goob kasta, kaasoo aan u baahneyn in gaadiid lagu soo raro si uu kuusoo gaaro.
Hard copy: Buug la taaban karo oo laguu soo saarayo gaadiid. Waqtiga iyo kharashka gaarsiintu waxay ku xiran yihiin goobta aad joogto.
Fg: soft copy oo kali ah baan kuu diyaarinnay.

5. Intee ayay qaadataa in dalabkayga la xaqiijiyo?

Qoraagu si gacanta ah ayuu u maamulaa dalab kasta. Marka aad lacagta bixiso, qoraagu wuu hubinayaa kadibna wuu xaqiijinayaa. Tani waxay qaadan kartaa dhowr saacadood ilaa dhowr maalmood, iyadoo ku xiran jadwalka qoraaga.

6. Ma heli karaa lacag-celin (refund)?

Codsiyada lacag-celinta waxaa maamula qoraaga. La xiriir: [email protected] ama wac +252 61 5777855 adigoo wata faahfaahinta caddeynta dalabkaaga.

7. Sideen u sameeyaa akoon?

Guji “Sign in”, kadib “Create an account”. Geli magacaaga, email, telefoon (ikhtiyaari), iyo password. Kadib waxaad awoodi doontaa inaad baarto, iibsato, oo akhrido buugaag.

8. Waan illoobay password-kayga. Sideen u cusboonaysiiyaa?

La xiriir: [email protected] ama wac +252 61 5777855 adigoo xusuusta email-kii aad ku diiwaangashanayd. Waan kaa caawinaynaa dib u dejinta password-ka.

9. Xagee tagaan lacagaha iibsashadaydu?

Talasamo waa madal isku xirta akhristayaasha iyo qoraayaasha. Iibsasho kasta waxay kuu suurtagelinaysaa inaad si toos ah uga iibsatid qoraaga. Waxaan aaminsanahay in la siiyo abaalmarin caddaalad ah dadka sameeya buugaagta aad jeceshahay.

10. Weli su’aalo ma qabtaa?

Nala soo xiriir oo wac: +252 61 5777855

Weli su’aalo ma qabtaa? Nala soo xiriir ama wac +252 61 5777855